4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2022
Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida oo hoggaan cusub doortay
 

Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta dowlad degaanka Soomaalida ee fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa doorasho ay galeen maalintii Axadda ahayd waxay ku doorteen guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha cusub oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Sheekh Xasan ayaa xilka kala wareegay guddoomiyihii hore ee Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida Ayaan Shukri.

Haddaba guddoomiyaha cusub oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu wax badan ka badali doono qaab dhismeedka Ururka oo sida uu sheegay ay dad badan dhaliilsanaayeen, isla markaana u arkayeen Ururka mid aan loo dhanayn.

"Waxaan diyaar u ahay inaan raadiyo oon la fadhiisto ciddii tabasho qabta, ee wax dhaliilsan iyo qof walba oo aan horey loogu qancin Ururka, kana garaabo wixii dhaliil ah ama eed ah ee jirta", ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida C/risaaq Sheekh Xasan.

Waxa kale oo guddoomiyuhu sheegay in inta uu xilkan cusub uu hayo uu ku dadaali doono sidii Saxafiyiin badan uu ugu qancin lahaa sidii ay Ururka ugu soo biiri lahaayeen, kuwaas oo siyaabo kala duwan aan Ururka ugu jirin, iyo waliba sidii loo adkayn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Ururka iyo dowladd degaanka Soomaalida, oo dowladduna ay u ilaaliso xuquuqda ay leeyihiin Saxafiyiinta ka howlgala degaanka Soomaalida, Ururkuna uu ku dadaali doono in Saxafitiintu aysan ku xad gudbin shuruucda degaanka iyo dalka Itoobiya uga yaalla Saxaafadda.

Ururka Saxafiyiinta degaanka Soomaalida ayaa la aasaasay billowgii isbaddelkii ka curtay dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo wakhtigaa ay degaanka Soomaalida kusoo bateen Warbaahinada gaarka loo leeyahay iyo Saxafiyiin madax banaan, iyadoo wixii is baddalka ka horeeyay aan degaanka Soomaalida laga aqoon Saxaafad madaxbanaan oo si xor ah usoo gudbisa wararka dowlad degaanka Soomaalida.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa wakhti xaadirkan ka howlgala Warbaahino badan oo gaar loo leeyahay oo ay ka howlgalaan Saxaafiyiin madax banaan, kuwaas oo fasax ka haysta dhinaca dowlad degaanka Soomaalida, gaar ahaan Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida.