4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 21, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeynaysa qorshe sannadka 2023 looga qaadayo cunaqabataynta hubka
 

Isniin, November, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland.

Kulanka ayaa ku saabsanaa iskaashiga ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023 iyo taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee doorashada June 2024.

Dalka Ireland oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay madax u tahay guddiga cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii golaha ammaanka uu muddo hal sano ah ku kordhiyay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in cuna-qabataynta hubka ay caqabad ku tahay dadaallada dib loogu dhisayo ciidamada qaranka iyo kuwa amniga si looga hortago khataraha argagixisada.