4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay guddoomiye ku xigeennada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Yabooh ayaa lagu beddelay Cali Yare Cali oo saddexdii sano ee ugu dambeysay soo hayay xilkaan, kana mid ah saaxiibada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Ciise Maxamuud Guure u magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda. Halka C/Casiis Cismaan Maxamed loo magacaabay guddoomiye Ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir.

Xasan Maxamed Jimcaale, ayuu madaxweynuhu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka howlaha guud, halka Faysal Carraale Afrax loo magacaabay Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.