4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo warbixin horudhac ah kasoo saartay khasaaraha qaraxyadii Soobbe
 

Arbaco, November, 2, 2022 (HOL) - Hay'adda maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya ayaa warbixin hordhac ah kasoo saartay khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii isgoyska Soobbe, kuwaas oo Alshabaab ay geysteen 29-kii Oktobar.

Warbixintan oo ay hay’addu caawa soo saartay ayay ku sheegtay in tirada dhimashada rasmiga ah ee la diiwaan galiyay ay marayso 119 dhimasho ah, dhaawaca 334 qof, halka la la’yahay 13 qof.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka waxay kaloo sheegtay in hanti lagu qiyaasay hal milyan iyo bar dollar ah ay ku burbureen qaraxyada, hantidaas oo u badan dhismayaal, xarumo ganacsi iyo gaadiid.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa shan sano kadib weerarkii isla Soobbe ka dhacay bishii October ee sannadkii 2017, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 600 qof iyo dhaawaca in ka badan kun qof.