4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
Xisbiga WADDANI oo mar kale ka hadlay khilaafka doorashada
 

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in anay xukuumada aqoonsanayn ilaa oo ay sharciga kusoo laabato, sida loo dhigay qoraal kasoo baxay xisbiga.

Si lamid ah hadalkii hogaanka xisbigu xukuumada kalsoonida kagala noqday 13 November, xisbiga WADDANI, ayaa markale, sheegay aanu aqoonsanayn xukuumada Somaliland ilaa oo ay sharciga kusoo laabato.

"Muuse Biixi iyo dowladiisa uma aqoonsanin qaar sharci ah, oo ku sal leh qodobka 88aad faqradiisa 1aad ee dastuurka, sii socoshada xukunkiisu shaqo kuma laha sharciga, lakiin waa awood iyo macangagnimo, ilaa oo uu sharciga kusoo laabto oo heshiis siyaasadeed la gaadho" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa lagu sheegay in xisbigu madaxweyne Biixi u aqoonsanyahay madaxweyne hore "Muuse Biixi waxaanu u aqoonsanahay madaxweynihii hore, ama madaxweynihii hore oo aan haysan kalsoonida shacbiga, iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye".

Waxa qoraalka lagu sheegay in axsaabta mucaaradku anay aqbali doonin doorasho kasta oo aan sharciyad salka ku hayn, isla markaana ay diyaar u yihiin wada-hadalkasta oo xal lagaga gaadhayo khilaafka siyaasadeed.

Waxa lagu sheegay in mucaaradku ay dadka ogaysiinayaa in wakhtigii madaxweynuhu uu dhamaaday isla markaana madaxweynuhu uu jabiyay heshiiskii uu bulshada la galay.

Ugu danbayn ciidamada kala duwan ayuu xisbigu ku booriyay, in ay sharciga ilaaliyaan oo talaabo kasta oo ay qaadayaan sharciga u eegaan. Xisbiga ayaana soo bandhigay magacyada maxaabiis uu sheegay in ay ka xidhanyihiin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]