4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
Soomaaliya oo saxiixday sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka walxaha qarxa
 

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruse ayaa Jimcihii qalinka ku duugay heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dublin ee dalka Ireland.

Heshiiskan ayaa wuxuu ilaalin doona dadka rayidka ah ee ku sugan aagagga dagaalka. Wuxuu mamnuucayaa isticmaalka hubka kiimikada ee goobaha dagaalka.

Heshiiskaan waxaa la dejiyay laguna saxiixay shir ka dhacay magaalada Geneva oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay 4tii May ilaa 17 June 1925, wuxuuna dhaqan galay 8 February 1928kii.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida weyn looga adeegsado walxaha Qarxa, waxaana xusid mudan in kooxda Alshabaab ay sanad walba boqolaal rayid ah iyo masuuliyiin dowladeeed ku disho qaraxyo.