4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 18, 2022
Dowladda Canada oo qorsheyneysa iney dalkeeda kasoo masaafuriso boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah
 

Jimco, November, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay ku masaafurineyso ku dhawaad 500 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ay sheegtay in dalkeeda ay kusoo galeen Baasabooro wadama kale ah.

Dhalinyaradaan ayay dowladda Canada sheegtay ineysan ahayn Soomaali, maadaama ay dalkeeda ku galeen Baasaboorka waddamo kale oo ay ku qasban tahay iney dib ugu masaafuriso  waddamadii ay Baasabooradooda ku socdaaleen.

Mid ka mid dhalinyarada dowladda Canada ay u diyaarisay iney dalkeeda ka masaafuriso oo lagu magacaabo Cabdullaahi Muuse ayaa VOA u sheegay in dhalinyarada la masaafurinaayo ay dhamaantood isku kiis yihiin, islamarkaana nidaamkaan dalka Canada looga masaafurinaayo uu soo socday in mudo ah.

“Dhalinyarada la celinayo dhamaan waa isku kiis, 400 oo dhalinyaro weeye, waxay kusoo safreen Baasaboorka waddamada deriska, maadaama dalka uu galay dagaal sokeeye dhowrkii sano ee lasoo dhafay, da’da dhalinyarada waxay u dhaxeysaa 20 ilaa 30 sano, waxayna galeen xaalad islahadal maskaxeed" ayuu yiri Cabdullaahi Muuse.

Cabdullaahi Muuse ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada iyo masuuliyiinta xilalka ka haya dowladda Canada iney u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in la masaafuriyo dhalinyarada oo uu tilmaamay hadii mid ka mid ah la masaafuriyo ay arintaasi noqon doonto mid sii socon doonta.

“Dhalinyaradaan talo ayaa faraha ka baxday oo waxa ay keliya rejo ka qabaan ilaahay xaggiisa iyo iney wax u qabtaan Dad badan oo Soomaali ah oo dalkaan xilal ka haya, waxaa lagu heystaa Soomaali ma tihiin, qaar naga mid ah ayaa wata Baasaboor iyo Dukumiintiyo Soomaali ah, dhibka ugu weyn ee na haysta waa Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaan oo ka gaabisay shaqadeeda” Ayuu yiri Cabdullaahi Muuse.

Si kastaba ha ahaatee talaabadaan ay dowladda Canada ay ku dooneyso iney kaga soo masaafuriso dalkeeda dhalinyaradaan Soomaalida ah wali kama aysan hadlin Saafaradda Soomaaliyeed ee ku taala dalkaasi Canada.