4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo xoghayaha QM kala hadlay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka
 

Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee Qaramada MidoobeyAntónio Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xoghayaha guud la wadaagay howlgallada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay kula dagaalamayaan Alshabaab. Waxa uu xusay madaxweynuhu in cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Shabaab iyo Daacish.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab, wuxuuna Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya.

António Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka Alshabaab, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.