4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2022
Golaha Ammaanka ee QM oo war ka soo saaray weerarkii Al-Shabaab ee Muqdisho

Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho 29-kii October, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, in ka badan 300 oo qofna ay ku dhaawacmeen.

Bayaan ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ayay hoosta kaga xariiqeen in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha qaraxyadii Soobbe, lana horkeeno sharciga iyo caddaaladda.

Golaha Ammaanku wuxuu mar kale xaqiijiyay in argagixisanimada nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Alshabaab.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay ugu dambayn hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigaliyeen dowladaha in ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda, iyo in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay taageeraan hirgelinta Qorshaha Kala-guurka.