Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo Maraykanka iyo Ingiriiska kala hadlay abaaraha iyo doorashooyinka
Talaado, November, 1, 2022 (HOL) -Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa arrimaha doorashooyinka iyo xaalada abaaraha, kala hadlay Safiirska Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster iyo ku simaha safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
Warbixin kasoo baxday madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi uu ugu horayn safiirada kala hadlay xaalada abaarta ee ka jirta Somaliland, isagoo sheegay in malaayiin qof ay u baahanyihiin gargaar.
"Madaxweynuhu waxa uu uga warramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar binu-aadanimo" ayaa lagu yidhi warbixinta madaxtooyada.
Madaxweynuhu wuxuu safiirada kala hadlay in Somaliland xaalada abaarta awgeed ay u baahantahay gargaar caalamiya, wuxuuna sheegay in Somaliland anay u baahnayn taakulo loo soo mariyo meel kale, ee ay rabto in wixii taakulo ah ee lasiinayo lagu siiyo magaca Somaliland.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, safiirada sharaxaad ka siiyay geedi socodka doorashooyinka Somaliland, isaga oo u sheegay in xukuumadu ay diyaarisay kharashkii doorashooyinka iyo diwaangalinta.
"Madaxweynuhu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha doorashooyinka ee dalka ka socda; sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka inagu soo foolka leh. Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi-doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka" ayaa lagu yidhi warbixinta.
Kulankan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo safiirada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa u dhacay hab maqal iyo muuqaal ah.
Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]
Madaxweyne Xasan Sheikh oo xoghayaha QM kala hadlay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka
11/1/2022 4:38 PM EST
Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee Qaramada MidoobeyAntónio Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka.
Golaha Ammaanka ee QM oo war ka soo saaray weerarkii Al-Shabaab ee Muqdisho
11/1/2022 4:30 PM EST
Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho 29-kii October, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, in ka badan 300 oo qofna ay ku dhaawacmeen.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay mid kamid ah Shabaabkii fuliyay weerar ka dhacay Gaalkacyo
11/1/2022 8:03 AM EST
Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdullaahi Cali Aadan oo katirsan Alshabaab, isagoo kamid ahaa koox fulisay weerar Gaalkacyo ka dhacay 2018 oo lagu dilay wadaad lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cilmi Afyare.
Wasiir Koore: Madaxda Soomaaliya haday cid la talinayaan waxay bad baadin lahaayen shacabka
11/1/2022 6:49 AM EST
Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland oo ka jawaabaysa baaqii Guddida Wadatashiga Qaranka Soomaaliya ee ahaa in Somaliland nabada ilaashato, ayaa sheegtay in Somaliland anay Soomaaliya talo uga baahnayn.
Amnesty International "Falalka naxariis darada ah ee Al-Shabaab waa dambiyo marka loo eego sharciga caalamiga ah"
11/1/2022 5:49 AM EST
Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Hay'adda xaquuqul insaanka Amnesty International ayaa fariin adag u dirtay kooxda Al-shabaab, kadib weeraradii qaraxyada khasaaraha badan geystay ee 29-kii bishii dhamaatay kooxda ka geystay Isgoyska Soobe, gaar ahaan afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo ku taala laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo codsaday gargaar caalami ah kadib qaraxyadii lagu hoobtay ee galaaftay nolosha in ka badan 100 qof
11/1/2022 2:07 AM EST
Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray codsi deg deg ah oo ku aaddan gargaar caalami ah oo loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii gawaari ee lagu weeraray aagga isgoyska Soobbe.
Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka QM ee Soomaaliya
11/1/2022 1:54 AM EST
Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar muddo kordhin ah oo loo sameeyay hawlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Somali News
Somalia: Al-Shabaab must urgently stop carrying out attacks against civilians
-
Amnesty International
11/1/2022 4:00 AM EST
The armed group Al-Shabaab must end its indiscriminate attacks against civilians and the Somali authorities must also ensure that civilians are protected, Amnesty International said today, after a twin car bombing in Mogadishu on Saturday, claimed by Al-Shabaab, killed at least 100 people and injured more than 300 others.
Kenyan president orders police reforms
-
BBC
11/1/2022 3:48 AM EST
Kenyan President William Ruto has reaffirmed his government’s commitment to end extra-judicial killings in the country, by ordering a police watchdog to draw up plans for reforms with civilian oversight.
Somalia humanitarian reporter killed in Mogadishu bombing
-
VOA
11/1/2022 3:46 AM EST
WASHINGTON — Journalist Mohamed Isse Hassan Koonaa was working in Mogadishu, writing a script for a video report on a speech by President Hassan Mohamud, when an explosion occurred at about 2:10 p.m. local time Saturday.
Somalia calls for foreign doctors in bomb aftermath
-
BBC
11/1/2022 1:58 AM EST
Journalists, students, and traders are among the 120 people now known to have died in Saturday's bombing in Somalia's capital Mogadishu.
Somalia car bombs death toll up to 120, some still missing
-
HOL
11/1/2022 1:43 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — The death toll from twin car bombings in Somalia’s capital has reached 120 and could rise further because some people are still missing, the country’s health minister said Monday.
Somalia appeals for international help after deadly blasts
-
AFP
11/1/2022 1:39 AM EST
MOGADISHU — Somalia’s president has issued an urgent plea for international help for wounded victims of devastating car bombings at the weekend that claimed the lives of 100 people.
Dutch-Somali journalist Abdullahi Jama killed in Mogadishu attack
-
NL Times
11/1/2022 1:35 AM EST
Dutch-Somali journalist Abdullahi Jama was among the dozens of people killed in a weekend terrorist attack in Mogadishu, Somalia. His death was announced by the National Union of Somali Journalists. The death of a person with Dutch citizenship was confirmed by the Ministry of Foreign Affairs in response to questions by both NOS and ANP.
Security Council extends UNSOM mandate for another year
-
HOL
11/1/2022 1:29 AM EST
Mogadishu (HOL) -The UN Security Council expressed worry over the ongoing risks posed by Al Shabab terrorists as it unanimously voted on Monday to prolong the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) for an additional year.
President Mohamud arrives in Sudan as Somalia mourns victims of Saturday’s terror attack
-
HOL
11/1/2022 1:19 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Khartoum, Sudan, on Sunday night, where he met with the Minister of Defense of Sudan, Major General Yassin Ibrahim Yassin.
Algeria hosts first Arab summit since Israel normalisation deals
-
AFP
11/1/2022 12:44 AM EST