4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2022
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay mid kamid ah Shabaabkii fuliyay weerar ka dhacay Gaalkacyo
 

Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdullaahi Cali Aadan oo katirsan Alshabaab, isagoo kamid ahaa koox fulisay weerar Gaalkacyo ka dhacay 2018 oo lagu dilay wadaad lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cilmi Afyare.

Cabdullaahi Cali Aadan ayaa si gaar ah loogu helay inuu ka dambeeyay dilka askari katirsan ciiddanka Danab oo kamid ahaa ciidankii kusoo baxay inay badbaadiyaan dadkii ku jiray guriga la wareeraray.

Xukunka dilka ah ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, kadib markii sannadkii 2019 lagu xukumay dil toogasho, isagoo tan iyo xilligaas ahaa xukun suge.

Maxkamaddu waxay sheegtay inuu ahaa shakhsiga kaliya ee kamid ahaa kooxdii weerarka fulisay ee nolasha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah. Kadibna dowladda ayaa u sameysay baxnaanin caafimaad.

16 qof ayaa ku naf waayay weerarkii uu qeybta ahaa oo dhacay subax aroor ah oo taariikdu ku beegnayd 26ka bishii 11-aad ee sanadkii 2018, weerarkaas oo lagu dilay Wadaad caan ah iyo qaar katirsan qoyskiisa iyo xertiisii.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe xoojisay fulinta xukunada dilka ee Shabaab, iyadoo tiro Shabaab dil lagu fuliyay maalmo gudaheed.