4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 1 , 2022
Amnesty International "Falalka naxariis darada ah ee Al-Shabaab waa dambiyo marka loo eego sharciga caalamiga ah"
 

Talaado, November, 1, 2022 (HOL) - Hay'adda xaquuqul insaanka Amnesty International ayaa fariin adag u dirtay kooxda Al-shabaab, kadib weeraradii qaraxyada khasaaraha badan geystay ee 29-kii bishii dhamaatay kooxda ka geystay Isgoyska Soobe, gaar ahaan afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo ku taala laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.

Amnesty ayaa fariinteeda waxay Al-shabaab kaga dalbatay iney joojiyaan weerarada aan loo meel dayin oo ay ku hayaan dadka shacabka ah oo ay kordhineysay mudooyinkii dambe kooxda Al-shabaab, waxaana hay'adda Amnisty sidoo kale masuuliyiinta Soomaaliya ugu baaqday inay xaqiijiyaan oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah.

“Amnesty International waxay tacsi u direysaa dhammaan dadkii ku waayey eheladooda kadib weerarradii naxdinta lahaa ee Sabtidii. Falalka naxariis darada ah ee al-Shabaab waa dambiyo marka loo eego sharciga caalamiga ah, waxaana aad muhiim u ah in dhammaan kuwa lagu tuhunsan yahay in ay mas’uul ka yihiin dambiyadan ay wajahaan maxkamadeyn caddaalad ah,” ayuu yiri Muleya Mwananyanda oo Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Hadalka kasoo baxay hay'adda Amnisty International ayaa imanaya kadib markii laba baabuur oo waxyaabaha qarax ka buuxaan Sabtigii la soo dhaafay lagu weeraray xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo ku taala Soobe, islamarkaana ay ku dhinteen dad gaaraya 110 ruux ayna ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 300 oo qof, waxaana weeraradaasi masuuliyadooda sheegtay kooxda Al-Shabaab.