4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo fasaxda dooddaha musharraxiinta madaxweynaha

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa ururka Somalia Debates u fasaxday inay qabsadaan dooddaha musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Wasaaradda wafaafinta waxay laashay go’aan maalmo kahor ay soo saareen oo ay ururkaan kaga joojiyeen qabashada doodda musharraxiinta, kadib markii ay ku eedeeysay inuusan marin nidaamkii sharciga ahaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in ururka Somalia Debates uu garowshiyo ka bixiyay qaladaad ay galeen, iyadoo wasaaraddu sheegtay inay dib u saxeen, loona fasaxay qabashada Dooddaha musharraxiinta madaxweynaha.

Ururka Somalia Debates ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay wasaaradda is afgarad ka gaareen arrimihii keenay in doodda laga joojiyo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]