4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Askari Hargaysa gabadh ku dilay oo dil toogasho ah lagu xukumay
 

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidanka Millatariga Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa ciidanka millateriga oo toogasho ku dilay gabadh la odhan jiray Najma Cabdillaahi Maykal.

Bullaale ayaa 2-dii bishan May toogasho ku dilay Najma xili ay ku wadatay baabuur agagaarka Maxkamada sare ee Somaliland, sababta dilka ayaa lagu sheegay in Bullaale uu u hiilinayay walaashii oo ay Najma is af dhaafeen dilka kahor.

Kadib markii uu dilku dhacay ayuu Bullaale isku dayay in uu baxsado lakin, ciidamada dab-damiska, oo ka agdhawaa ayaa gacanta kusoo dhigay, iyada oo qoyska Najma ay cod dheer ku dalbadeen in eedaysanaha caddaalada la mariyo, oo loo dilo dilka uu gaystay.

Baadhitaan kadib ayay Maxkamada Ciidanka Millateriga Somaliland, maanta diltoogasho ah ku riday sarkaalkan, galaaftay nolosha gabadhan dhalinyarada ah oo ka tirsanayd shaqaalaha wasaarada beeraha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online