4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 9 , 2022
Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii labaad Muqdisho ka socota
 

Isniin, May, 9, 2022 (HOL) - Waxaa Maalintii labaad si toos ah uga socota xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya diiwaan galinta Musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shalay diiwaan galiyay 10 Musharax oo u taagan tartanka doorashada madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona dalka Soomaaliya.

Maanta ayaa la filayaa in sidoo kale ay is diiwaan galiyaan Musharaxiin kale oo dooneysa xilka madaxweynaha, waxaana diiwaan galinta Musharaxiinta ay ku eg tahay maalinta berito oo Talaado ah, islamarkaana taariiqdu tahay 10-ka bishaan May.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay dhacdo 15-ka bishaan May 2022 oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ururukii dhalinyarada gobanima doonka ahaa ee SYL, waxaana xusid mudan in madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uu Xalay shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online