4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2022
Guddiga doorashada Madaxweynaha oo diiwaan-geliyay 10 kamid ah musharraxiinta Madaxweynaha dalka


Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Guddiga isku-dhafka ee soo diyaarinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta diiwaan-geliyay toban kamid ah musharraxiinta xilka Madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya.

Musharraxiinta is-diiwaan-gelisay maanta ayaa kala ah Sheekh Shariif Shiikh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Bashiir Xaaji Cali, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Cabdullahi Cali Xasan, Xasan Cali Khayre, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdinur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal.

Madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa la filayaa in ay is-diiwaan-geliyaa ka hor 10-ka bisha oo ah maalinta u dambeysay ee diiwaan-gelinta musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharraxiinta keliya maanta is-diiwaan-gelisay ayaa mid kasta oo kamid ah waxaa uu bixiyay lacag dhan $40,000, taas oo markii la isku daro noqonaysa $400,000, waana ku dhowaad nus milyan dollar.

Doorashada Madaxweynaha ayaa 15-ka bishan ka dhici doonta Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdishu.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]