4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2022
Guddoonka Golaha Shacabka oo go'aan rasmi ah ka gaaray murankii Xildhibaanada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaareey
 

Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 -aad ee dalka Soomaaliya ayaa goordhaw go'aan rasmi ah kasoo saaray murankii ka taagnaa maalmahii lasoo dhaafay sharci ahaan shiyaha Xildhibaanadda lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey ee gobolka ee Gedo.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in go'aankan ay soo saareen kadib markii ay arkeen in Xildhibaanadda lagu soo doortay Ceelwaaq ay yihiin kuwa soo maray dhamaan habraacyadii doorashada, islamarkaana uu taageeray doorashadaasi Raysal wasaaraha dalka oo ahaa madaxa doorashooyinka dadban ee dalka.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka lagu sheegay in xildhibaanada sheeganaya in lagu soo doortey degmada Garbahaarey aanay heysan Shahaadadii guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, islamarkaana aanay doorshadooda qaban guddiga hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.

Hoos ka akhriso go'aanka Golaha Shacabka:-

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online