4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 8 , 2022
Dad aan la aqoonsan oo u caga jugleeyay xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland
 

Axad, May, 8, 2022 (HOL) - Dad aan haybtooda la aqoonsan, ayaa caga julayn iyo baqo galin joogto ah ku haya, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, sida uu sheegay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

Batuun ayaa sheegay in xildhibaanada qaarkood ay ka cabanayaan baqo galin ay kala kulmaan kooxo anay garanayn, isla markaana ilaa iyo hada dacwado ay u gudbiyeen hay'adaha amniga aanay wax jawaab ama caawimo ah ka helin.

"Shalay toole, xildhibaano kamid ah goluhu waxay inala wadaageen in argagax galin fara badan lagu hayo, oo gawaadhidooda gawaadhi la hor dhigayo, oo dadka ficilada samaynaya hay'adaha amniga markay is yidhaahdan uga dacwoodana aan waxba looga qabanayn" ayuu yidhi Batuun.

Batuun ayaa sheegay in xildhibaannadani ay awoodi wayeen in ay gobolada kale booqdaan cabsida awgeed "Waxa kale oo ay sheegeen in ay awood u laayihiin in ay reerahoodi lasoo ciidan, oo gobolada dalka ay tagaan, sabab amni daro awgeed".

Xildhibaanka oo cabashooyinkan golaha ka hor akhriyay, ayaa sheegay in anay suuragal ahayn in xildhibaannadu ay shaqadooda si hufan u gutaan inta ay cabsidani jirto.

Hore xubno ka tirsan warbaahinta Somaliland ayaa dhibaatooyin kala kulmay ciidamo la sheegay in ay dharcad yihiin, kuwaasi oo garaacis iyo xadhig anay maxkamadi amrin u gaystay, hadaba lama hubo in cida xildhibaannada handadaysa ay yihiin ciidan ama dad kale.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online