4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2022
Guddiga doorashada Hirshabeelle oo soo gabagabeyay doorashada kuraastii Golaha Shacabka ee ku harsaneyd

Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa xalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ku qabtay doorashada labadii kursi ee ugu dambeysay kuraasta ku dhineyd Hirshabeelle, islamarkaana aheyd guud ahaan labada kursi ee ka harsaneyd kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta Xalay doorashadooda lagu qabtay Jowhar oo kala ahaa HOP 141 oo uu horay ugu fadhiyay Abuukar Isloow Ducaale iyo HOP 135 oo ah kursigii ay ka geeriyootay Aamino Cabdi Maxamed oo Baledweyne lagu dilay bishii Marso ee sanadkaan.

Doorashada kursiga koowaad ee tirsigiisu yahay HOP141 ee xalay qabsoontay waxaa ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah Abuukar Isloow Ducaale iyo Cabdullaahi Nuur Maxamed, hayeshee inta aysan bilaaban doorashada waxaa tanaasulay Cabdullaahi Nuur Maxamed, waxaana hab gacan taag ah oo loogu codeeyay ku guuleystay Abuukar Isloow Ducaaale oo markale noqday Xildhibaan.

Doorashada kursiga labaad ee HOP 135 oo ahaa kursigii ay ka geeriyootay Aamino Cabdi Maxamed oo ay shalay isku diiwaan geliyeen ilaa sadax Musharax oo kala ah Amran Xusseen Isaaq, Maxamed Aaden Daahir iyo Maxamed Nuur Xusseen ayay guddiga doorashada sheegeen in kursiga doorashadiisa oo Xalay waqti dambe qabsoontay uu kusoo baxay Maxamed Aaden Daahir, waxaana xusid mudan in kursigaan uu ahaa qoondo dumar.

Doorashada labadaan kursi ee Xalay guddiga doorashada Hirshabeelle ku qabteen magaalada Jowhar ayaa ka dhigan in maamulka Hirshabeelle oo ahaa maamulka kaliya ee ku harsanayeen kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ay haatan soo gabagabeyeen kuraastii ku dhineyd.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online