4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay gudigga isku dhafka ah ee qabanqaabada Doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marka hore ugu hambalyeeyay gudigga  hoggaanka ay iska dhex doorteen, waxaana uu ku dhiira geliyay in si sax ah loo dhaqan geliyo jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha la doortay ee gudigga Isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada madaxweynaha Senator Cabdiqani Geelle Maxamed iyo ku xigeenkiisa Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed ayaa diiradda lagu saaraayay sidii qabashada dooraashada madaxweynaha ugu dhici laheyd jawi nabdoon, hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Madaxda ayaa kulankooda waxa ay si gaar ah uga hadleen amniga doorashada, waxayna hoosta ka xariiqeen in xil gaar ah la iska saaro adkeyta amniga doorashada madaxweynaha dalka oo loo balansan yahay 15-ka bishaan May.

Shalay ayay aheyd markii guddiga qabashada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay soo saareen jadwalka rasmiga ah ee qabashada doorashada nadaxweynaha oo ay ku asteeyeen 15-ka bishaan May oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ururkii dhalinyarada ee gobonina doonka ahaa ee SYL.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online