6/25/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2022
Hantidhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya oo joojiyay in heshiisyo galaan Hay'addaha Dowladda
 

Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa soo saaray amar ku socda dhamaan hay'addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan ineysan gali karin wax heshiisyo ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka ayaa lagu sheegay in hay'addaha  dowladda laga joojiyay galitaanka iyo bilaabida dhaqan galinta heshiisyada dheef wadaaga ah inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

Hantidhowraha Qaranka ayaa uga digay masuuliyiinta dowladda iney saxiixaan heshiisyo aan waafaqsaneen dastuurka dalka, isagoona sheegay cidii arrintaasi ku dhaqaaqda laga qaadi doono talaabo adag.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xafiiska Hantidhowraha Qaranka:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/5/2022 8:33 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May.

5/5/2022 8:30 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta ayaa joojisay dood warbaahineed oo urur lagu magaacabo Somali debates uu u qaban lahaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

5/5/2022 7:59 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo katirsan aqalka sare ayaa ku guulaystay guddoomiyaha guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya.

5/5/2022 4:34 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo Maanta ku dhexmaray degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho askar ka tirasaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya.

5/5/2022 4:26 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in haweeney u dhalatay dalka Holland lagu helay dambi ah in ay lacag u aruurineysay kooxda Al-Shabaab.

5/5/2022 1:27 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xilalkii ka qaaday wasiirradii arrimaha gudaha, maaliyadda iyo amniga Puntland, isagoo ku beddelay wasiirro cusub.

5/5/2022 1:24 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal, ayaa ALLAHA u Naxariistee burcad hubeeysan waxa ay ku dileen Tuulada Phillipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.