6/28/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2022
Jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay
 

Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May.

Mudddo toban cishe ah ayaa ka dhiman waqtiga loo qabtay doorashada madaxweynaha, si looga baxo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalku kusoo jiray15 kii bilood lasoo dhaafay.

Shaacinta jadwalka doorashada, ayaa soo baxday waxyar kadib markii guddiga doorashada uu yeeshay hoggaan rasmi ah, kadib doorasho tartan adag loo galay oo lagu doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddiga doorashada.

Sida la filayo in ka badan 20 musharrax uu ku jiro madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iskusoo sharixidoono xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

Kadib muddo hal sano iyo ka badan oo doorasho la’aan dalku ku jiray, waxay haatan u muuqataa in doorashada dhameystirkeeda wax yar loo jiro islamarkaasna lagasoo gudbay caqabado badan oo hortaagnaa.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/5/2022 11:05 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa soo saaray amar ku socda dhamaan hay'addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan ineysan gali karin wax heshiisyo ah.

5/5/2022 8:30 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta ayaa joojisay dood warbaahineed oo urur lagu magaacabo Somali debates uu u qaban lahaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

5/5/2022 7:59 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo katirsan aqalka sare ayaa ku guulaystay guddoomiyaha guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya.

5/5/2022 4:34 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo Maanta ku dhexmaray degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho askar ka tirasaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya.

5/5/2022 4:26 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in haweeney u dhalatay dalka Holland lagu helay dambi ah in ay lacag u aruurineysay kooxda Al-Shabaab.

5/5/2022 1:27 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xilalkii ka qaaday wasiirradii arrimaha gudaha, maaliyadda iyo amniga Puntland, isagoo ku beddelay wasiirro cusub.

5/5/2022 1:24 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal, ayaa ALLAHA u Naxariistee burcad hubeeysan waxa ay ku dileen Tuulada Phillipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.