4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2022
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo joojisay dood warbaahineed loo qaban lahaa musharraxiinta madaxweynaha
 

Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta ayaa joojisay dood warbaahineed oo urur lagu magaacabo Somali debates uu u qaban lahaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in ururka Somali Debates uusan sharciyad u haysan qabashadan dooddaan, waxayna wasaaraddu amar kusiisay hay’addaha nabad galyada inay joojiyaan meel kasta oo lagu qabto dooddaan.

Wasaaraddu waxay uga digtay Somali Debates inay dooddaan qabato, balse masoo bandhigin waxa loo joojiyay dooddaan oo aan ka ahayn sharciyad la’aanta.

Dhinaca kale, War qoraal ah oo kasoo baxay Somali Debates ayaa lagu sheegay in ururkooda uu warqad oggolaashiyo ah ka haysto wasaaradda arrimaha gudaha , oo ugu oggolaaday inay dalka ka shaqeeyaan.

Somali Debates ayaa soo bandhigtay warqadda loogu oggolaaday inay dalka ka howlgalaan, taasoo ku taariikhaysan febraayo 2022, kuna eg febraayo 2023.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]