4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2022
Axmed Karaash oo xilalkii ka xayuubiyay wasiiraddii ugu awoodda badnaa Puntland

Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xilalkii ka qaaday wasiirradii arrimaha gudaha, maaliyadda iyo amniga Puntland, isagoo ku beddelay wasiirro cusub.

Saddexda wasiir ee xilalka laga qaaday ayaa ahaa wasiiraddii ugu awoodda badnaa Puntland islamarkaana ahaa saaxiibada ku dhow ee madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xilka laga qaaday ayaa lagu beddelay, Cabdiqani Xaashi Bumbo, wasiirka maaliyadda Xasan Shire Abgaal oo xilka lag qaaday ayaa lagu beddelay, Cabdirisaaq Mire Xasan ( Gaawiido) halka wasiirkii amniga Cabdisamad Gallan lagu beddelay, Axmed Xaaji Ibraahim Bakiin.

Xil ka qaadistan ayaa kusoo beegantay kadib markii uu shalay ku ekaa xilligii loo qabtay masuuliyiintan qeyb kamid ah inay xilalka u kala wareejiyaan masuuliyiin uu magacaabay Axmed Karaash.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay cirka kusii shareerto khilaafka siyaaaadeed ee u dhaxeeya Deni iyo Axmed Karaash, iyadoo ay macquul tahay in madaxweyne Deni uu si degdeg ah dib ugusoo laabto Garowe si uu arrintaan xal ugu helo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]