6/25/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 5 , 2022
Koonfur Afrika " Soomaali gaari uu adeeg ku watay lagu dhax dilay iyo mid kale oo shil gaari ku geeriyooday
 

Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal, ayaa ALLAHA u Naxariistee burcad hubeeysan waxa ay ku dileen Tuulada Phillipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka, ayaa markii la dilayey oo aheyd Gabal-dhicii arbacada waxa uu watay Gaari uu adeeg ku siday, wadada oo ciriiri aheyd awgeedna Tuugada toogatay, ayaa goobta ka baxsaday kahor intaysan Booliska soo gaarin goobta.

Howlgal lagu baadi goobaya raga hubeeysan ee dilka geeystay ayey durba booliska bilaabeen iyago ku raad jooga dableeydii toogashada u geeystay muwaadinka soomaaliyeed.

Dhanka kale muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray saacid Maxamed Xasan ayaa geeriyooday kadib markii Gaarigii uu waday uu Buundo kala dhacay wada ka timaadda Fish Hoek oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa kamid ahaa dhalinyarada Daraawalada ka ah gaawrida Uber Taxis.

Omar Kiyow
Johannesburg












Click here
5/5/2022 11:05 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa soo saaray amar ku socda dhamaan hay'addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan ineysan gali karin wax heshiisyo ah.

5/5/2022 8:33 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May.

5/5/2022 8:30 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta ayaa joojisay dood warbaahineed oo urur lagu magaacabo Somali debates uu u qaban lahaa musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

5/5/2022 7:59 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo katirsan aqalka sare ayaa ku guulaystay guddoomiyaha guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya.

5/5/2022 4:34 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo Maanta ku dhexmaray degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho askar ka tirasaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya.

5/5/2022 4:26 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in haweeney u dhalatay dalka Holland lagu helay dambi ah in ay lacag u aruurineysay kooxda Al-Shabaab.

5/5/2022 1:27 AM EST
Khamiis, May, 5, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xilalkii ka qaaday wasiirradii arrimaha gudaha, maaliyadda iyo amniga Puntland, isagoo ku beddelay wasiirro cusub.