6/30/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Guddoomiye Aadan Madoobe "Maanta wixii ka dambeeya go'aan cad ayaan ka gaari doona Xildhibaanada Gedo"

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Shacabka ay uga arrinsanayeen hanaanka loo wajahayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada ugu weyn ee hortaala Baarlamaanka Soomaaliya ay tahay doorashada madaxweynaha in loo qabto si deg deg ah.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in fadhiga Golaha Shacabka Maanta ay wada yimadeen 32-ka Xildhibaan ee lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, waxa uuna sheegay in aanay qayb ka ahayn kooramka fadhiga Maanta ee Golaha Shacabka iyo diyaarinta guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kamid noqoshada Guddigaas maadaama doorashooda khilaaf ka taagan yahay.

“Waxaa nagu dhex jira dad aan xildhibaan wada noqon Karin oo ku yimid nidaam khilaaf ka dhashay, Maanta wixii ka dambeeya ayaa xal ka gaari doonnaa oo waxaa fadhiga imaan doona keliya Xildhibaan sharci heysta” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa horay Shahaadada rasmiga ah siiyay 16-ka Xildhibaan ee lagu doortay Ceelwaaq, xogheynta Golaha Shacabka ayaa sidio kale siiyay Aqoonsiga waxaana lagu hor dhaariyay Guddoomiyihii KMG ahaa ee Goloha Shacabka Cabdisalaan Dhabanacad.

Lama oga go'aanka rasmiga ah ee uu ka qaadan doonk guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaanada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaareey oo siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed si gaar ah indhaha ugu aada hayaan cida noqon doonto Xildhibaanada sharciga ah ee gobolkaasi Gedo ku matali doonta Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/4/2022 4:42 PM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo dhameystiray sadddex xubnood oo ka dhimanaa guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 3:59 PM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Cadaaladda dowlad degaanka Soomaalida Axmed Xaaji Samater, waxa uu Madaxwayne Mustafe cagjar cafis u fidiyay 221 maxaabiis, kuwaas oo ku kala jira jeelasha kala duwan ee Degaanka Soomaalida.

5/4/2022 9:59 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

5/4/2022 8:01 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 6 xubnood oo ah guddiga doorashada madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

5/4/2022 5:49 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Safiirka xilka kasii dagaya ee safaaradda Soomaaliya ee Roma, Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, ayaa iska fogeeyay eedeymo kasoo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda oo ku saabsan inuu ku takrifal awoodeed ku sameeyay maamulka safaaradda.

5/4/2022 5:30 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Dr Abuukar Aaden Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 3:14 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa war saxafadeed ay soo saartay waxay ku cambaareysay weerarkii Al-shabaab ay Shalay ku qaadeen Sadhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, kaasoo geystay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidanka Burundi.

5/4/2022 12:51 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajob ayaa joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

5/4/2022 12:47 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelandoona kulan wadajir oo ku saabsan doorashada guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 12:44 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Gabadh reer Hargaysa ah, oo u dalxiistagtay magaalo xeebeeda Berbera, ayaa dhimatay kadib markii ay ku qarqoontay badda oo ay ku dabaalanaysay.