6/27/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay weerarkii Ceelbaraf
 

Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa war saxafadeed ay soo saartay waxay ku cambaareysay weerarkii Al-shabaab ay Shalay ku qaadeen Sadhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe, kaasoo geystay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan ciidanka Burundi.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu xun tahay weerarkii shalay ka dhacay Ceelbaraf, islamarkaana ay uga tacsiyadeyneyso shacabka iyo dowladda Burundi waxyeeladii kasoo gaartay ciidankooda weerarka cuslaa ee Shalay subaxnimadii hore ka dhacay Saldhiga deegaan Ceelbaraf.

Warsaxafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay beesha Caalamka kaga dalbatay inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dhanka kale guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhankiisa war uu soo saaray waxa uu ku cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiye Moussa Faki ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarka ka dhacay Ceelbaraf oo uu tilmaamay ineysan marnaba hoos u dhigi doonin dagaalka ciidamada ATMIS ay kula jiraan Al-shabaab.

Cambaareynta dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee weerarkii Ceelbaraf ayaa imaaneysa xili Al-shabaab ay si rasmi ah u sheegatay iney saacado badan gacanta ku hayeen Saldhigii Ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf, islamarkaana ay ku dileen 173 askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Burundi.

Weerarkii Shalay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Ceelbaraf oo ay sheegteen iney ku dileen 173 askari oo Burundeys ah ayaa noqonaya weerarkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, waxaana weerarkii koowaad uu ahaa kii ka dhacay deegaanka Ceelcadde sanadkii 2016-kii oo ay Al-shabaab ku dileen 190 askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Kenya, islamarkaana ay nolosha ku qabteen 11 askari oo Kenyaan ahaa.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online












Click here
5/4/2022 4:42 PM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo dhameystiray sadddex xubnood oo ka dhimanaa guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 3:59 PM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Cadaaladda dowlad degaanka Soomaalida Axmed Xaaji Samater, waxa uu Madaxwayne Mustafe cagjar cafis u fidiyay 221 maxaabiis, kuwaas oo ku kala jira jeelasha kala duwan ee Degaanka Soomaalida.

5/4/2022 9:59 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

5/4/2022 8:01 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 6 xubnood oo ah guddiga doorashada madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

5/4/2022 7:52 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Shacabka ay uga arrinsanayeen hanaanka loo wajahayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada ugu weyn ee hortaala Baarlamaanka Soomaaliya ay tahay doorashada madaxweynaha in loo qabto si deg deg ah.

5/4/2022 5:49 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Safiirka xilka kasii dagaya ee safaaradda Soomaaliya ee Roma, Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, ayaa iska fogeeyay eedeymo kasoo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda oo ku saabsan inuu ku takrifal awoodeed ku sameeyay maamulka safaaradda.

5/4/2022 5:30 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Dr Abuukar Aaden Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 12:51 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajob ayaa joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

5/4/2022 12:47 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelandoona kulan wadajir oo ku saabsan doorashada guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

5/4/2022 12:44 AM EST
Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Gabadh reer Hargaysa ah, oo u dalxiistagtay magaalo xeebeeda Berbera, ayaa dhimatay kadib markii ay ku qarqoontay badda oo ay ku dabaalanaysay.