Talaado, May, 31, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya, taasoo lagu wado inay dhacdo horraanta bisha June.
newsinsideRaysal wasaaraha ayaa magacaabay lix xubnood oo u badan wasiiradda ku shaqada leh arrimaha amniga iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada.
Wasiirka amniga ayaa guddoomiye looga dhigay guddigan, waxaana la faray inay adkeeyaan amniga munaasabada caleemo saarka madaxweynaha.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xafladda caleemo saarka ku martiqaaday wafuud caalami ah oo ay ku jiraan madaxweynayaal ka socda dalalka deriska.
Madaxweynayaasha lagu casuumay xafladda caleemo saarka, waxaa la filayaa inay kamid noqdaan madaxweynaha Kenya, madaxweynaha Uganda, madaxweynaha Jabuuti iyo sidoo kale raysal wasaaraha dalka Itoobiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]