4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2022
Puntland oo $18 million oo dollar ku bixisay si meesha looga saaro shirkadda P&O oo gacanta ku haysay dekeda Bosaso
 

Talaado, May, 3, 2022 (HOL) - Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay meesha ka saaraan shirkadda P&O port oo gacanta ku haysay dekeda Bosaso.

Wasiirka dekedaha oo BBC Somali u waramayay ayaa sheegay inay Puntland $18million oo dollar ay ku qarashgaraysay sharci yaqaanno u dooddayay si meesha looga saaro shirkadda P&O port.

“Maxkamad bay tagtay arrintu, waad dareemi kartaa markaad maxkamad tagaysid waxaad u baahan tahay dad sharci yaqaanno ah oo maxkamadda kaa difaaca oo dooddaada gudbiya. Waad dareemi kartaayo lacag fudud ma ahan, oo lacag illaa $18million ayay qarashgaraysay inay qareennada ku baxaan,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay isla gaareen meel adag, inkastoo uu sheegay in markii dambe shirkadda D-P world ay bixisay magdhow lasiiyay shirkadda P&O, taasoo sheegatay in khasaare weyn uu kasoo gaaray dekeda Bosaso.

Axmed Yaasiin waxa uu sheegay in Puntland ay dib u eegis ku sameeysay heshiiska dekeda Bosaso, islamarkaana la kordhiyay saamiga uu maamulku ku yeelanayo wax soo saarka dekeda Bosaso.

Puntland ma aysan sheegin magaca shirkadda lagu beddelay shirkaddii hore, waxaase lagu heshiiyay in dhismaha ballaarinta dekeda dib loo bilaabo bishaan May, iyadoo DP-world ay soo dirtay Engineero qiimayn ku sameynaya dekeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]