7/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2022
Cabdiweli Gaas: Madaxweyne Xasan Sheikh waa inuu Alshabaab la dagaalamaa ama la heshiiyaa

Jimco, May, 27, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Cali Gaas ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud inuu xoogga saaro wax ka qabashada xaaladda amni ee dalka, isagoo sheegay inuu haysto fursad uu wax kaste ku sixi karo.

Cabdweli Gaas ayaa sheegay, si taas loo gaaro in madaxweynuhu la yimaado raysal wasaare la shaqeyn kara islamarkaana meesha laga saaro khilaaf iyo isqabqabsi siyasadeed oo dambe inuu yimaado.

“Si madaxweynuhu u helo breathly space waa in lala dagaalamaa kooxaha xagjirka ama lala heshiiyaa haddii ay heshiis ogol yihiin. Si aad u shaqeyso waa inaad sal-mugleh u fariisato. Laakiin haddii mar walba Xamar Qaraxyo ka dhacayaan space qofku ka shaqayn karo baanan jirinba,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Gaas wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay madaxweynaha cusub inuu ka shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye, isagoo sheegay in dalku uusan madax bannaanayn haddii uusan helin amni uu isaga gacantiisa ku maamulo.

Cabdiweli Gaas ayaa kamid ahaa raysal wasaarayaashii dalka soo maray sanadihii 2011 illaa 2012. Xilligiisii wuxuu ahaa xilliyadii ugu adkaa amni ahaan dalka, waxaana qeybo badan oo dalka kamid ah gacanta ku hayay ururka Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]