4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Xarunta dhaqanka ee Aw-Jaamac oo Muqdisho kusoo gabo-gabeysay tababar socday shan bilood


Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) -  Xarunta dhaqanka, cilmi baarista iyo akhriska ee Aw-Jaamac Cumar Ciise, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo gabo-gabeysay tababar socday muddo shan bilood oo in ka badan 80 dhallinyaro ah lagu barayay noocyada kala duwan ee farshaxanka.

Dhallinyarada ka faa’iideysatay tababarka oo u badnaa gabdho waxaa kamid ahaa 25 arday oo ah kuwa maqalka naafada ka ah, waxaana dhammaan ardayda la baray xirfado ay kamid yihiin sida loo sameeyo agab-dhaqameedka, gaar ahaan falkinta dambiilaha, dhiisha, saliga, derimaha, xaaqinka iyo tolliinka dharka, timo dabida iyo sida cilaanka loo saaro.

Fardowsa Jaamac Yuusuf oo ka tirsan xarunta oo ka hadashay munaasabada, ayaa hoosta ka xariiqday in xarunta dhaqanka ee Aw-Jaamac ay ka go’anta soo nooleynta, dhiiragelinta dhaqanka, hal-abuurka Soomaaliyeed iyo wax kasta oo Soomaaliddu ay ku sameysan jireen gacanta.

“Marka dhallinyarada aan barno xirfadaha, gaar ahaan gabdhaha waxaan ku xirnaa xarumaha sida goobaha cilaanka lagu saaro, isla markaana lagu dabo timaha- marka goobtaasi ay yimaadaan dumar iyo gabdho badan oo raba in loo shaqeeyo, waxaa loo yeeraa ardaydii wax ka bartay xarunta Aw-Jaamac, kaddib marka shaqada ay qabtaan, lacagaha laga qaaday qofka loo shaqeeyay ayaa qeyb laga siiyaa. Halka gabdho kale ay iskood u shaqeystaan” ayey tiri Fardowsa.

Fardowsa ayaa intaasi raacisay in dhallinyarada dhiiragelin ay helayaan marka la baro farshaxanka iyo agab-dhaqameedka, taasi oo u sahleysa in ay ka shaqeystaan kaddibna ay ka dhaxli doonaan jiilka cusub ee soo koraya. Waxaa ay intaasi ku dartay, “Dalkeenna waxa uu xiligan ku jiraa waqtigii ugu xumaa oo carruurteena iyo dhallinyaradeenna ayaa si dhib yar ula qabsada telefoonada caaqalka, taas oo ka mashquulineysa in ay ku dheganaadaa dhaqankooda iyo in ay wax-qabsadaan".

Xarunta dhaqanka, cilmi baarista iyo akhriska ee Aw-Jaamac Cumar Ciise ayaa 30-ka iyo 31-ka bishan magaalada Muqdisho ku qaban doonta maalinta dhaqanka, halkaasi oo ardayda maanta tababarka dhammeysatay ay kusoo bandhigi doonaan xirfadihii ay barteen shantii bilood ee lasoo dhaafay.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]