4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Xisbiga Kulmiye: Xukuumada Kulmiye uma qarsoona dariiqyo lagu hor istaagayo doorashooyinka
 

Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, ahna Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu sharciga u cuskaday tabashooyinka ay mucaaradku ka qabaan arrimaha doorashooyinka.

Kaahin waxa uu sheegay in shirkii ay xalay yeesheen madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, ay mucaaradku ku dalbadeen in madaxweyne Biixi uu ka noqdo guddida uu u magacaabay u kuur galka khilaafka soo kala dhexgalay guddida doorashooyinka, furista urrurada siyaasada oo ay sharci daro ku tilmaameen iyo qabsoomida doorashada madaxweynaha oo ay walaac ka qabaan.

"Aarrinka koomiishanka waxay kasoojeediyeen 'guddida aad u saartay waxaanu u aragnaa faragalin, arrinka furitaanka urruradana waxaanu u arganaa sharci daro, arrinka doorashada madaxtooyadana waxaanu u aragnaa in ay gaabinayso' " ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Kaahin ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu dalabka mucaaradka u cuskaday sharciga, isla markaana uu u sheegay in uu sharciga u maray dhamaan talaabooyinka uu qaaday, isla markaana hadii ay caddeeyaan in talaabooyinkiisu ay sharci daro yihiin uu sharciga u hogaansami doono.

"Madaxweynuhu wuu ka jawaabay, wuxuu ku yidhi 'anuu saddexdaa waxan u maray dariiq qaynuun, hadii aad idinku haysaan dariiq kale oo caddaynaya in talaabada aan qaaday ay sharci daro tahayna sharciga ayaan u hogaansamayaa' arrinka sifiican ayaa looga dooday layslamana afgaranin" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiir ka ayaa sheegay in wadahadaladu ay soconayaan, oo hadii lagu kala koco kulamada hore kulamada danbe la heshiin doono, waxa kale oo uu sheegay in xukuumada Kulmiye anay qorshaha ugu jirin in ay dib u dhigto doorashooyinka.

"Dadka shicibka ah iyo beesha caalamka labadaba waxaanu u sheegaynaa, in aan xukuumada magaca Kulmiye ka dhisan, in aanay diyaar u ahayn, in anay meel hoosena ugu qarsoonayn, siyaasad iyo dariiqyo lagu joojinayo ama lagu horjoogsanayo doorashooyinka" ayuu yidhi Kaahin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online