4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Puntland oo qaadacday habka dowladda Soomaaliya u qeybisay Xujeyda
 

Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta qaadacay oo ka horyimid habka ay dowladda federalka Soomaaliya uqeybisay Xujeyda Soomaaliyeed ee tagaya Xajka.

Sarkaal katirsan wasaaradda caddaalada Puntland oo lagu magacaabo Ismaaciil Xaaji Cabdi, ayaa meel fagaare ah oo lagu oogayay Salaada Roob doonta, ka sheegay inay Puntland diiday 300 xujey ah oo ay dowladda Soomaaliya usoo qoondeysay.

Ismaaciil Xaaji Cabdi wuxuu sheegay in Soomaaliya 500 xujey ah ay sannadkaan soo gudanayaan acmaasha Xajka, isagoo sheegay inay caddaalad darro tahay in tirada intaas le’eg ay Puntland ka hesho 300 kaliya.

“Puntland waxaa la siiyay 300 oo xujey ah, intii kalena waxaa la siiyay Muqdisho. “500 oo Xaaji in 300 oo xaaji Puntland ka hesho, waa arrin adag oo caddaalad darro ah,” ayuu yiri Ismaaciil Xaaji.  

Wasaaradda diinta iyo awqaafta Soomaaliya ayaa masuul ka ah qeybinta Xujeyda Soomaaliyeed, waxaana sanna walba ka yimaada khilaaf nuucaan ah, inkastoo marar badan la isku dayay in xal loo helo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]