4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Maraakiibta Spain iyo Faransiiska oo lagu eedeeyay inay kalluumaysi sharci darro ah oo xad dhaaf ah ka wadaan xeebaha Soomaaliya
 

Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Hay'adda Blue Marine Foundation oo u dhaqdhaqaaqda kalluumaysiga xad-dhaafka ah ama sharci darrada ah ayaa sheegtay in xeebaha Soomaaliya uu kalluumaysi xaalufis ah ka wadaan Maraakiibta laga leeyahay dalka Spain.

Warbixinno ay daabacday hay'adda Blue Marine Foundation ayaa shaaca ka qaadaya caddeymaha kalluumeysiga sharci darro ah oo ay maraakiibta Midowga Yurub ay ka wadaan xeebaha badweynta Hindiya.

Warbixinadda ayaa muujinaya dhaqdhaqaaqyada kalluumeysiga sharci darrada ah ee maraakiibta Spain iyo Faransiiska laga leeyahay ee ku sugan biyaha Soomaaliya iyo Hindiya iyada oo aan la haynin wax caddayn ah oo muujinaya heshiisyo ogolaanaya kalluumeysigooda.

Marka laga soo tago heshiisyada iskaashiga Kalluumeysiga ee joogtada ah ee Midowga Yurub (SFPAs), waxaa sidoo kale jira heshiisyo qarsoodi ah oo ay galeen shirkadaha kalluumeysiga iyo dowlad goboleedyada  Soomaaliya.

Blue Marine Foundation waxay sheegtay inay arrintan ku wargelinayaan Midowga Yurub, si wax looga qabto kalluumaysiga sharci darada ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]