4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Mucaaradka Somaliland oo rajo xumo ka muujiyay wadahadalada u furmay xukuumada
 

Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Madaxda Mucaaradka Somaliland, ayaa rajo aan fiicnayn ka muujiyay sii socoshada wadahadalo ay xalinta khilaafka doorashooyinka kala yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, guddoomiye ku xigeenka xisbigaa, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo musharaxa madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, oo madaxweynaha la kulmay ayaa sheegay in madaxweynuhu aanu wax tanaasulaad ah samaynin.

"Qodobadii aanu ula tagnay dhamaantood waxba kaga manaan heshiin, waxba layskagama afgaran, waa laysla mari waayay, waxanaan nuku kala nimid anaga oo aan halkaa isla dhaafin" Guddoomiye Xirsi, ayaa sidaa yidhi.

Guddoomiye Faysal ayaa dhankiisa sheegay in ay u tageen madaxweyne qorshihiisa ku dhagan, oo ay ka go'antahay in uu doorashada axsaabta siyaasada qabto kahor doorashada madaxtooyada.

"Nasiib daro waxaanu u tagnay madaxweyne cadhaysan ood moodo in isaga la dulmiyay, oo waliba aniga dulmi badan iga sheeganaya, qorshihiisii ahaa in uu urrurada furo bisha Juun 26 keeda, ayaa ka gonayd, waxaanu u tagnay madaxweyne qorshihiisii uu dhigtay daafacaya" ayuu yidhi Faysal.

Xukuumada Somaliland ayaa dhankeeda rajo ka muujisay sii socoshada wadahadalada, lataliyaha gaar ka ah ee madaxweyne Biixi Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay in lagu heshiiyay in Sabtida mar kale kulan la yeesho.

"Caawa hadalku wuu bilowday, qolowalibana wixii ay tabanaysay ayay sheegtay, waxaana laysla qaatay oo laysla gartay in ay u baahantahay in  lasii wado, oo wixii shuruuca ee laysku hayayna la eego oo laysla akhriyo si wadajir ah, arrintaasina loo balamay in lasii wado wadahadalka maalinta Sabtida" ayuu yidhi Waran Cadde.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay madaxweynaha kala hadleen, in uu faragalinta ka daayo guddida doorashooyinka, in diwangalintii codbixiyayaasha la bilaabo iyo in uu sicad u sheego in doorashada madaxtooyada uu qabanayo 13, 11, 2022, Lakin waxay sheegeen in anay jawaabo cad cad ka helin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online