4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Taiwan iyo Somaliland oo kala saxeexday heshiis la xidhiidha macdanta iyo shidaalka
 

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Taiwan iyo Somaliland ayaa kala saxeexday heshiis lagu tirakoobayo xadiga macdanta iyo shidaalka ah ee ku jira Somaliland, in la dhiso bangi lagu kaydiyo macluumaadka macdanta iyo caawimooyin kale oo ay Taiwan ka siinayso Somaliland ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah.

"Labada dowladood waxa ay ku heshiiyeen in la oggaado macdanta ku jirta Jamhuuriyadda Somaliland nooceeda, caddadkeeda, meelaha ay ku jirto iyo qiimaha ay lacag ahaan ku fadhido. In la inoo sameeyo bangi macluumaadka iyo xogta macdanta iyo tamarta aan ku kaydino oo casri ah ama digital ah" ayaa lagu yidhi qoraal uu baahiyay wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Hagi.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay Somaliland ka caawiso sidii shaqaalaha Wasaarada Macdanta Somaliland loo siin lahaa tababar la xidhiidha baadhista macdanta iyo in ay sidookale ka caawiso in la baro shuruucda lagu maamulo macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Somaliland loo fududeeyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo in la wajaho caqabadkasta oo ka hor imanaysa, iyo in kor loo qaado oo la taageero sidii  Somaliland uga faa'iidaysan lahayd macdanta iyo shidaalka.

Heshiiska waxaa kala saxeexday Wasaarada Arrimaha Dhaqaalaha ee Taiwan iyo Wasaarada Macdanta ee Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online