4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur u magacaabay ergayga arrimaha Abaaraha
 

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha.

Magacaabidda Ergeyga gaarka ah ayuu madaxweynuhu sheegay inay muujineyso sida uu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah.

Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo caalami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu magacaabay Ergeygan, iyadoo la eegayo khibradiisa iyo fahamka uu u leeyahay arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada.

Cabdirahman Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ah munsharaxinta u tartantay xilka madaxweynanimada Soomaali, wuxuuna noqonayaa masuulkii afaraad ee uu magacaabo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud  oo xafiiska jooga 24 saac.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]