4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Ciidanka Liyu booliska oo lagu eedeeyay in qof shacab ah ay ku dileen tuulo kamid ah gobolka Qoraxay
 

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Ciidanka gaarka ah ee degaanka Soomaalida  ee Liyu booliska ayaa lagu eedeeyay inay qof shacab ah ku dileen tuulo lagu macaabo Ceel-lamood oo ka tirsan degmada Dhooboweyn ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Qofka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdirashid Mataan Muxumed oo da'diisu qiyaastii kuntomeeyo jir ahaa, lama sheegin sababta dilkiisu ku dhacay balse mid kamid ah Odayaasha degaankaasi oo lagu magacaabo Cawaale Faarax Canshuur oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka la dilay uusan wax qori ah wadan dilna gaysan.

" Ninkan wax qori ah uu watay iyo cid uu waxyeelay midna ma jirin, isagoo reerkiisa jooga umbaa xabad lagu dhuftay, nin ciidan ah oo Liyuu Boolis ah ayaa xabadda ku dhuftay, tuulada xabad kale kama dhicin dad is haystana ma jirin, xabadaas ninkaa lagu dhuftay umbaa ka dhacday tuulada". ayuu yiri Cawaale Faarax Canshuur oo kamid ah Odayaasha degaankaas.

Sidoo kale Cawaale Faarax Canshuur waxa uu sheegay in ka Odayaal ahaan, xukuumadda degaanka Soomaalida ay ka codsanayaan in cadaaladda ay mariso ciddii falkaasi ka dambaysay, oo haddii ninka la dilay uu dhib wadayna ay sheegto, haddii laga gardarnaana cadaaladda la mariyo ciddii dhibka gaystay.

Waxa kale oo uu xusay Cawaale in shacabka iyo Ciidanka Liyu booliska  ay yihiin dad walaalo ah, balse xukuumadda degaanka Soomaalidu looga baahan yahay inay qabato cidda khaladka ku jirta.

Wali xukuumaddu ka maysan hadlin eeddan loo soo jeediyay ee ah in Askari kamida Ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida uu qof shacab ah ku dilay tuulada Ceel-lamood oo ka tirsan degmada Dhooboweyn ee Gobolka Qoraxay ee degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]