4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
 

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu baabi'iyay warqad Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo laga qaaday Soomaaliya, islamarkaana ku xernaa xeebaha wadanka Cumaan.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu faray hay'addaha dowladda iney ku sameeyaan baaritaan falkaan sida uu u dhacay ayna u gudbiyaan hay'addaha garsoorka ee ku shaqada leh.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online