4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Beesha Caalamka oo loogu baaqay inay taageerto dowladda cusub ee Soomaaliya
 

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya inay taageero iyo dhiirigelin wax ku ool ah u fidiyaan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Mr. Swan oo warbixin ka jeedinayay kulanka golaha ammaanka oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay in QM ay diyaar u tahay la shaqeynta Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay qorshayaasha ugu horreeya ee uu nadaxweyne Xasan Sheikh degsaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiin Qaran, hagaajinta xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo wax ka qabashada khatarta amni ee kaga imaaneysa kooxda al-Shabaab.

"Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay qorsheyaal ku habboon mudnaanta koowaad waxaana rajeyneynaa inaan ogaano tafaasiil dheeri ah marka hoggaanka cusub uu la wareego xilka iyo ra'iisul wasaare cusub iyo golaha wasiirada la magacaabo toddobaadyada soo socda," ayuu yiri Mr. Swan.

Mr. Swan waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda amniga. Wuxuuna ammaanay ciidamada amniga Soomaaliya iyo dhigooda howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo sugay amniga ammaanka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]