4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Xildhibaan sheegay in magaalada Muqdisho laga bilaabay abaabul xilka looga tuurayo madaxweynaha Koonfur Galbeed

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Muqdisho laga wado abaabul ka dhan ah madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay iney jiraan shaqsiyaad ku howlan abaabulka ka dhanka ah mudo xileedka madaxweyne Laftagereen, kuwaas oo uu sheegay iney kasoo jeedaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee muusan sheegin magacyadooda.

“Xamar ayaa lagu shiraayaa waad ogtihiin, qayb idinka mid ah ayaa ku shirsan, waad garaneysaan ragga hadlayaa, haddii aan leenahay arintaan way fiican tahay aan sheegno haddii ay xun tahayna aan dhahno waa arrin xun ee niman yahow hanoo keenina, Ninkii raba in uu ninkaan galo waqtigiisa marka uu dhammaado ha eryaan, inta ka horeysa maloo soo dhawaan karo, ninkii u yimaadana waan la dagaalameynaaa” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen waxaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya loo doortay 19-kii December sanadkii 2018-kii kaddib markii uu helay saddex meelood 2 meel codadka Xildhibaannada u codeynayay, waxaana xusid mudan in doorashadiisa ay dad badan ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, kadib banaanbaxyo looga soo horjeeday guushii madaxweyne Laftagreen oo Baydhabo ka dhacay maalmo kooban.

Hadalka Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan ayaa kusoo beegmaya, xili magaalada Baydhabo ay ka socdaan abaabulo lagu doonayo in sanad dheeraad ah loogu daro mudada xil heynta madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku eg 19-ka bishaan Decembar ee 2022-ka, iyadoo oo la doonayo in laga dhigo mudada xil heynta Cabdicasiis Laftagareen in la gaarsiiyo19- Decembar 2023.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online