4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo magacaabay agaasime ku xigeenka madaxtooyada
 

Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Waa magacaabistii labaad ee madaxweyne Xasan Sheikh uu sameeyo ee si rasmi loo shaaciyo, isagoo galabta magacaabay agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya, xilkaas oo loo magacaabay Xuseen Sheikh Maxamuud oo kamid ahaa senotaradii hore ee aqalka sare.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, sida ay madaxtooyadu sheegtay, waa aqoonyahan labo shahaado oo heerka labaad ah ka haysta horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Ammaanka Afrika.

Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Agaasime Ku-xigeenka cusub waxa lagu beddelay oo uu xilka kala wareegayaa Cabdinoor Maxamed Axmed oo ahaa agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]