4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay


Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad maanta ka dhacday Madaxtooyada, waxa uu xilka kala wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweynihii hore Soomaaliya, Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub iyo dowladda cusub ee uu soo dhisidoono.

Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa madaxweyne Farmaajo kala wareegay faylasha shaqooyinka ay gacanta ku haysay dowladdii hore, shaqooyinkas oo ay kamid yihiin, dhameystirka dayn cafinta, sharciga doorashooyinka, iyo ciidamada Eritrea ku maqan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]