4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo soo saaray amar ku socda Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadiisa
 

Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar ku socda Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo la xariira isbadalo ay Wasaaradda ku sameysay ama shaqada uga ceyrisay qaar ka mid ah Shaqaalaha dowladda aanan waafaqsaneyn go'aanka Golaha Wasiirada.

Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse in laga bilaabo 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan shaqaalaha dowladda ee la badalay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsanen go'aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Raysal wasaare Rooble ayaa aha mid si toos ah ugu socday Wasiir Cabdi Saciid Muuse oo lagu faray in dhamaan shaqaalihii la bedelay dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, islamarkaana dib loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa la faray dhamaan hey’addaha dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkaan kasoo baxay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online