4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xilkiisa la wareegaya
 

Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareego Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo shan sano ah hoggaaminayay dalka.

Xaflad kooban oo xil wareejin ah ayaa la filayaa in ay ka dhacdo xarunta madaxtooyada, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada xil wareejinta.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo maanta uu xafiiska si rasmi ah u bannayn doono madaxweyne Farmaajo oo shan sano ka badan ku sugnaa Villa Soomaaliya.

Maalintii Sabtida labada hogaamiye ayaa yeeshay wada-hadal wax ku ool ah oo ku saabsan qorshaha kala guurka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la filayaa markuu xafiiska la wareego inuu sameeyo magacaabidiisa ugu horreysay ee dowladdiisa cusub.

Magacaabidda ugu horreysa waxaa la filayaa inay ka billaabato madaxtooyada Soomaaliya, oo ah meelaha ugu horreeya oo ay saameeeyaan isbeddelka higgaamineed ee dalka ka dhacay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]