4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare oo Maanta kulan la qaatay Guddihii doorashada Madaxweynaha Dalka

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa Maanta kulan la qaatay guddigii doorashooyinka madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Kulanka labada guddoomiye iyo guddii doorashada madaxweynaha ayaa ahaa mid mahad celin loogu jeedinaayay guddigii doorashooyinka hanaankii ay u maamuleen doorashadii madaxweynaha ee dhawaan ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.

Guddigii doorashada madaxweynaha ee ka midka ahaa labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankooda u mahad celiyay guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, iyagoona ku boggaadiyay sida wanaagsan ay ula shaqeeyeen intii ay socotay howshii doorashada Madaxweynaha dalka.

"Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay guddigii doorashooyinka  madaxweynaha JFS. Guddoonka oo bogaadiyay hufnaanta shaqadii guddiga ayaa wadajir ugu mahad celiyay guddiga sidii ay u hirgaliyeen jadwalkii doorashada Isla markaana u maamuleen doorashadii madaxweynaha JFS" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiisyada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Guddiga doorashada ee Maanta kulanka la qaatay guddoomiyeyaasha Aqalka sare iyo Golaha Shacabka ayaa dhawaan soo gabagabeeyay qabashada doorashadii Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo 15-kii bishaan May ka dhacday Muqdisho, taasoo lagu doortay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online