4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Jigjiga: Sicir bararka oo noqday dhibaatada kaliya ee maanta aadka loo hadal hayo magaalada Jigjiga
 

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Sicir bararka maciishada waxay noqotay arrinta ugu hadal haynta badan ee gudaha dowlad degaanka Soomaalida, waxayna noqotay mid saameyn ku yeelata nolosha dadka iyo waliba dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degaanka Soomaalida.

Haddaba qaar kamid ah ganacsatada degaanka Soomaalida oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in sababta u wayn ee sicir bararka keentay ay tahay ganasatadii iyo dowladdii oo aan isla eegin arrinka sicir bararka, iyo waliba sarrifka lacagaha qalaad oo aan fadhin.

Ganacsatadu  waxay sheegeen in mar walba uu sare u kacayo sarrifka lacagaha qalaad, isla markaana aysan garanayn alaabihii ay soo iibsadeen waxay ku iibiyaan, maadaama aysan is daboolayn kharashkii ay wax kusoo iibsadeen iyo kay ku iibinayaan.

Xukuumaddu geesteeda waxay sheegtay inay wadaan arrimo ay ku xallinayaan dhibaatooyinka ka jira dhanka sicir bararka, iyagoo xusay in sidoo kale uu jiro wada hadal u socda Xukuumadda degaanka Soomaalida iyo Somaliland, kaas oo lagaga arrinsanayo sidii loo xallin lahaa  sicir bararka, sida ay Warbaahinta u sheegtay Wasiir ku xigeenka Ganacsiga dowlad degaanka Soomaalida Marwo Cabdicasiis.

Isu soo duuboo, sicir bararka ka jira degaanka Soomaalida ayaa gaaray meeshii abid u sarreysay, iyadoo sicir bararkani uu saameeyay ganacsatadii oo iyagu garan la' waxay ku iibiyaan alaabahoodii, iyo dadkii kale oo iyaguna ku adkaatay inay maanta suuqa wax ka iibsadaan, iyadoo lacagtiina ay noqotay mid jeebka un ku cuslaysa balse aan waxba kuu goynayn.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]