4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend
 

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Stephen Townsend ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu dhawaan ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee 15-kii bishan ka dhacday teendhada Afisyooni.

Sidoo kale waxa uu dhambaalkiisa hambalyada ah u diray shacabka Soomaaliyeed, dowladda, iyo cid kasta oo ay khusayso arrimaha doorashada oo ku dadaalay in ay guul ku soo dhamaadaan doorashooyinkii dib u dhaca badan ku yimid.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre Jr.

Intii uu socday wadahadalkooda, waxa ay isku afgarteen in la xoojiyo wadashaqeynta dhow ee ka dhaxeysa AFRICOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo xaqiijiyo in dalku uu ku naaloodo nabad iyo amni la xoojiyay sanadaha soo socda.

Gen. Townsend ayaa u ballan qaaday madaxweyne Xasan Sheikh in AFRICOM ay si dhow ula shaqeyn doonto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]