4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Madaxweyne Biixi: Urrurada waa la furayaa waa mabda sharci ah
 

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay 20 guurada kasoo wareegtay markii la aas aasay xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in furista urruradu sharci tahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye, uu taageerayo furista urrurada, isla markaana ay sharci tahay "Maantana wuu taageerayaa in ay urruradu dagaal galaan, maantana tii ayuu fulinayaa oo urrurada waa la furaya, waa mabdi'iyan sharci ah".

Biixi ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu taariikh u leeyahay in uu taageero furista urruro cusub marwalba, isla markaana xataa isaga oo mucaarad ah uu taageeray in urruro cusub la furo.

"Kulmiye isaga oo mucaarad ah wuxuu balan qaaday markii dad badani codsadeen, in saddex xisbi oo kali ahi anay waligood dalka haysane urruro la furo, isagoo mucaarid ah ayuu taageeray siyaasiyiintii lagu xidh xidhayna aad buu ugu dooday" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu marka laga yimaado in uu taageersanyahay furista urrurada, hadana kama faaloon, hadii doorashada urrurada cusub la qabanayo doorashada madaxtooyada ee bisha November kahor, halkaasi oo uu khilaafka ugu badani ka taaganyahay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online