4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo berrito xilkiisa la wareegidoona
 

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalinta berrito ah si rasmi ah ula wareegidoona xilkiisa, sida lagu sheegay war kasoo baxay kulan dhexmaray madaxweyne xasan Sheikh iyo madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo.

Guddiga Qaban qaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go'aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May oo ah berri.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sameyndoonaa munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynaha 9-aad ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS  Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer xafiiska la wareegaya kadib markii uu dhowaan ku guulaystay doorashadii madaxtinimada dalka.

Farmaajo oo muddo ka badan shan sano joogay xafiiska ayaa haddda ku biiraya barlamaanka golaha shacabka, sida uu dastuurka dalka dhigayo. Lama oga inuu dalka sii joogidoono iyo in kale.

Xafiiska madaxtooyada ayaa horey u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu iska celiyay sharcigii dhalashada dalka Maraykanka ee uu haystay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]